40 Sano oo Dembi ah



 40 Sano oo Dembi ah  


Xiligii Nabi Muuse waxaa dhacdey roob la' aan roob dhan waa lawaayey Nabi Muuse dadka oo dhan ayuu kulmiyey si ay uroob doonaan iyagoo Alle roob weydiisaneya isla sidii roob wuu imaan waayey kadib ayaa Nabi Muuse Alle la hadley wuxuu ku yiri "Ilaahayoow soo maadan ii balan qaadin hadii aan wax ku weydiisto in aad i siineysid kadib ayaa Alle jawaabay wuxuu ku dhahey: Nabi Muusoow qof ayaa idinku dhex jira 40 sano i caasinaayo oo dambi la imaanayo qofkaas waa in uu idinka soo dhexbaxaa markaas ayuu roobka idin imaaneyaa  

Nabi Muuse dadka ayuu u sheegay arrinkii wuxuuna ku yiri "Qof ayaa jira naga mid ah kaas oo 40 sano Alle ku caasinayey qofkaasi waa in uu halkan ka dhex baxaa kadib ayuu roobku inoo imaaneyaa". Markaas kadib qofkii ayaa is gartey wuxuu yiri "Ilaahayoow maanta halkan hadaan ka dhex boxo dadka waan ku dhax ceeboobayaa ee Ilaheyoow dembigeyga dhaaf ceebteyda ii astur. 

Markiiba waxaa soo da'ey Roob! Markaas ayuu Nabi Muuse yiri “Rabiyow roob ayaa soo da'ey qofna masoo bixin "Alle Ayaa Ku yiri "Roobku waxaa uu lasoo dagey farxadeyda, towbadkeenkii uu ii towbadkeenay adoonkeygii i caasinaayey Mudo 40 sano Ah" markaas ayuu Nabi Muuse yiri “Rabiyow itus adoonkaas si aan ugu farxo Alle ayaa ugu Jawaabey "Muusow wuxuu adoonkaas i caasinaayey Mudo 40 Sano ah waana u ceeb asturaayey Ma hada uu ii towbadkeeney ayaan ceebeeyaa"

Bal aan nafteena aan weydiino meeqa dembi ayaan galnaa, hadana uu Alle inoo ceeb asturaa?!

Meeqa ayaan Alle ku caasinaa, hadana uu Alle inoo naxariistaa?

Rabiyow waxaan ku weydiisaneynaa in aad nasiisid roob, dembidhaaf iyo raxmadaada oo aan ku diirsano

Mahadsanid akhrinta aad akhrisey qoraalkaan dheer balse ku cibra qaadashada mudan🙏

Post a Comment

Previous Post Next Post